| 2 Albums | Recently Added | Most Commented |
|
kala wareejintii wasaaradda beeraha
|
dur dur project
|
| 1 - 2 of 2 Albums |
Maanta : 17/01/2010
Hargaysa ( wasaaradda beeraha news ) wasiirka wasaaradda beeraha oo maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraaiid oo ay kaga hadlaayeen saadasha hawada ee bishan ugu JANUARY ee qabowga badani jiray . wasiirku mar uu ka hadlay sadasha hawada wuxuu yidhi, waxaan dadka u sheegaynaa inay wasaaradda beeraha masuul ka tahay cabirka ama qiyaasaha tempereture ka sida aynu cuntada uga masuul nahay. hadaba hadaynu eegno report-dadii hore ee heerkulka somalia magaalada LUUQ waxaa la yidhaahdaa magaalada ugu kulul somalia ama aduunka waxay gaadhay 51 degree , hadaynu soo qaadano qabawyada wakhtiyada la qoray 89kii waxaa la yidhaahdaa way soo kululaanaysaa inkas too ay rumaysan yihiin khuburada qaarkood muddo laga jooga 200 oo sanadood ka horba ama muddo ka horaysayba cimiladu aduunku ay sidaa u kululaanaysay ee aanay kaba taxaaluuqiba wax yaabaha dalalkan waaweyn ee warshada leh ay yidhaahdaan waxaanu rakibaynaa naqaska ama qiiqa warshadaha oo ay khuburada qaarkood ku doodayaan madaama qarnigii 20naad warshaduhu bilaabmeen xoogoodu inay qiyaasta kulaylku ay soo kordhayeen 1800 iyo 1900 marwalba ay soo badanaysay hadaba hadaynu soo qaadano 30 sano ka hor mararka qaarkood reportada la qoraayo ee ay somalia soo saareen ,ceerigaabo kale waxay ahayd in january ay ahayd -3.3 ( saddex bay ka hoosaysay dhibic saddex ) ceerigaabi JANUARY oo ah Qabow aad ah. hargaysa waxay noqotay wakhtiyadaa 30 sano laga joogo -1.1 (hal dhibic hal ayay ka hoosaysay ) bhadab qabawgan ay dadku ka cabanayaan waxay ahayd +3 degree Centigrade waxaynu og nahay inay hargaysa ku jirto GOD hadaba meteorologyga halkan noogu rakiban inamada qoraa waxay qoraan xiliyada kala ah 6:00 subaxnimo iyo 6:00 habeenimo. markaa 12 january 2010 6:00 subaxnimo waxay ahayd +3 degree Centigrade halka Torobso ( Torobso waxa weeyaan aduunka waqooyigiisa ama cidhifka ugu dambeeya ee norway ) waa magaalada ugu qabow ama ay ka mid tahay meelaha ugu qabow caalamka maalintii 12kii january ay hargaysa ka hayd +3 torobso waxay ka ahayd +8 degree Centigrade lagana qiyaasi karo ,markay torobso ay tahay +8 degree Centigrade hargaysana ay tahay +3 degree Centigrade waxa weeyan qabaw badan aynu xasuusnaano inay mar noqotay hargaysa -1 degree Centigrade waliba waxaan aamin sanaan lahaa hadii la cabirilahaa 3:00 habeenimo inay ahaan lahayd ( maynis) halka ay cabirkaa aynaan ka qaadan masalaha ama meelaha sare ee hargaysa madaama ay hargaysa god ku jirto waayo anigu waxaan dareemay bowogii ka dhici jirtay norway ayaan hargaysa ku dareemay
source : wasaaradda beeraha news
khadar abdi elmi
khadarowen@hotmail.com
Tell: 4410814

Maanta 13/01/2010
Sida uu cadaynayo xafiiska la socodka saadaasha hawadda ee xanuntiisu tahay wasaarada beeraha inuu sanadkan cusub ee 2010ka la kowsadey isbedel weyn oo xaga cimilada ah kaa soo sababay qabaw xad dhaafa sida maalmahan ka muuqatay jawiga oo samayn weyn ku yeeshay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka.
Sida uu cadaynayo xafiiska la socodka iyo xog ururinta saadaasha hawadda ayaa cadaynaya inuu illaa labadii usbuuc ee la soo dhaafay ay ahaayeen kuwii ugu qabawga badnaa inta la ogyahay amaba lala socday iayadoo xadka Tempareture uu aad uu hooseeyey ilaa uu gaadhey meel aanu waligii horeba u gaadhin islamrkaa xafiiska la socodka sadaashu hawadau ku muujiyey mid aan hore loo arag wadanka Somaliland inta la ogyahay .
Waxaase ugu daraan qabawgaasi meelaa aadka jooga dheer u leh walibana aad ha u sii kala daraadeenene sida Hargeysa ,Boorama, Ceerigaabo, iyo degmada Togwajaale, taasi oo ay daku hadal hayaan yar yar iyo waa weynba .
Hadaba sida ay cadaynayaan xafiiska lacodka saadaasha hawada waxaa ay isbuucii la soo dhaafay heerka qabawga gaadhey ugu hooseyn 9 degree Centigrade _8degree Centigrade _7 degree Centigrade kaasi oo la kowsadey sanadkii cusbaaba , waxaanay dhacady xalay oo bishu ahayn 12/01/2010 inay isla mar kaliya gaadho heerka temperature ku mar kaliya 2 degree Centigrade _3 degree Centigrade oo qabawgii ugu hooseeyey ee ka dhacay dalka taasi oo wax weyn ka bedeshay tamarta iyi dhaqdhaqaaqadadka gobolada iyo degmooyinka miyi iyo magaaloba kuna haysa wax yeelo weyn .
Hadaba warbixinta xafiiska sadaasha hawadu waxay saadaalinayaa inay illaa usbuuca soo socda inay sii socon doonto , hadaba waxaa lala socodsiinayaa inay ka taxadaraan una gaashaantaan iyo inay dhamaan bulshada tamarta daran la taageero loona naxariisto , walibana shaqaalaha iyo dadka iskuulada tegayana dib loo farsameeyo waqtiga shaqada inta ay socoto dhaxanta aadka u qaboobi madaama aanay bulshadu horay u baran is bedelkan deg dega ah
Cabdiqani yuusuf cabdi (Mr Galaydh)
Director of Meteorology Hargeysa MOA
Address: jfgalaydh@yahoo.com
Tell: 4453056 OR 65453056
Maanta 29/12/2009
Hargaysa ( wasaaradda beeraha news )Mashruucan oo ahaa beer laga dhex sameeyay oo loogu tala galay xanaanayta siidhka, iyo tijaabada mashruuca BARIISKA oo haatan ka dhex socda wasaaradda beerah dhexdeeda ,kuwaas oo ay iska kaashadeen Hayada FAO iyo MOA, Dhirtan oo isugu jirta LIIN( ORANGE ) & CANBE ( MANGO ) oo lagu soo tijaabiyay wadamada KENYA iyo qaar kale oo africa ka mida, waana dhir si dhakhso ah u baxaysa muddo gaaban, hadaba waxaa la hir galin doona 5000 oo seed oo loo qaybindoono degmooyinka dalka
Wasiirka oo mar u waramaayay shabakadan ayaa xaqiijiyay in liintan iyo canbahan oo tiradoodu dhan tahay 5000 oo geed oo hadii dalka laga beero si dhakhso ah u bixi doonan lagana maarmi doono khutaarta laga keenaayo dibadaha,taas oo ah haorimarka ay ku tala jirto wasaaraddu in ay ka haqab tirto dalka wax soo saarka ee dalaga iyo midhaha ayaa haatan wasaaradda beeruhuu wayxay bilawday mashruucan ee ay ku dardar galinayso dhinaca wax soo saarka dhawaanan la gaadhsiin doono dhamaan gobolada iyo degmooyinka iyo dhamaan beeralayda ku hawlan wax soo saarka dalka
intaa ka dib waraysi kooban oo uu wasiirka wasaaradda beeraha jsl Mudane Adan Axmed Cilmi (dhoolayare ) ayuu sheegay in tijaabadani ay hir galinayso wasaaradda beeruhu iyadoo ku kaabaysa ilaha dhaqaale ee wax soo saarka dalka dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca meceeshadaba iyada oo wasaraddu ku hawlan tahay sidii ay wax yaalo badan dalka ugu hori marain lahayd ayna hiigsanaso in laga kaaftoomo dhamaan khudrada iyo raashinkaba iyo wixii dabada inooga yimaadaba .
hadaba mashruucan oo ka mid ah mashaariic badan oo ay dalka wasaaradda beeruhu hore u gaadhsiisay kuwa imika socda iyo kuwa badan oo ay ku talo jirto dhawaaan inay ka hir galiso dalka .si ay wax soo saarka dalku u hori maraan
Source: wasaaradda beeraha news
Khadar Abdi Elmi
Tell:002522-4410814
Maanta 10/12/2009
Hargeysa (Wasaaraddabeerahanews):-Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Aadan Axmed Cilmi [Dhoolayare] ayaa shaaca ka qaaday inay ku hawlan yihiin qorshe cusub oo ay dalkan Somaliland kaga beerayaan Biriis aan u baahnayn biyo badan oo dalal badan oo Qaarada Africa ku yaala lagu soo tijaabiyey, isla markaana waxa uu asteeyey maalinta cuntada Somaliland oo uu ku tilmaamay 10 December sanadkasta.
Wasiirku waxa uu sidaa ku shee... Mar uu maanta u waramayey Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews oo ka xogwareysatay iyo arrimo kale.
Wasiirka Aadan Axmed Cilmi [Dhoolayare oo ka hadlayey maalinta ay Somaliland u asteysay inay u aqoonsato maalinta cuntada dalka waxa uu yidhi “16 October waxa maalinkasta dunida looga dabaal-dega maalinta cuntada adduuna, waxa maanta sharaf noo ah inaan ku dhawaaqo maalinta cuntada Somaliland, oo aanu In-shaa Allaahu ka dhigi doono 10 December Sanadkasta, si loo qiimeeyo sanadkan wixii inoo qabsoomay ee inoo soo go’ay”
“Maalinta 16-October ee Maalinta cuntada Aduunkana ay Goboladu tar-tan galaayaan sidii ay u soo saari lahaayeen cuntooyin ku filan” ayuu yidhi Wasiirka Wareysigiisa oo koobnaa.
Wasiirku waxa uu ku dooday in intii ay qiimaynta wadeen inay sanadkan ku guuleysatay maalinta cuntada Somaliland degmada Gatiitalay ee Gobolka oodweyne oo aanu u qaban doono Xafladii. “Waayo waa meeshi Ugu horeysay ee cunto wada wadani ah na tustay ee noo sameysay, oo ay ka marmeen cuntadii dibada uga imanaysay”.
Md. Aadan Axmed Cilmi waxa uu shaaca ka qaaday inay dalka dhawaan ka beri doonaan Biriis tijaabo ah, oo uu ku tilmaamay in ka dibada inooga imanaya lagaga maarmi doono, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Maanta waxaanu idiin shee...naa in aanu hayno mashruuc kale oo tijaabo ah, oo Bariisa oo aan u baahnayn Biyo badan oo uu ku baxo Nerica Rice, waa biriis wanaagsan oo Africa lagu tijaabiyey dalalka Sera-lion, Liberia, Ghana, Yuganda, Ethiopia, oo inagana [Somaliland] imika ina soo gaadhay”
Wasiirka Beeruhu waxa carabka ku adkeeyey Gobolada ay u qorsheeyeen inay Beerista biriiska ka bilaabi doonaan, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi
Hargaysa Biriiska waxaa beeristiisa waxaanu ku tijaabin doono Gobolada Togdheer, Saaxil, Maroodi-jeex Iyo Awdal, degmada Gatiitalayna ee Gobolka Oodweynana ka mid ayey noqonaysaa. Waana bariis wanaagsan oo marka uu dalkeena ka baxo waxa uu noqonayaa wadani, taas inshaa Allaahu dhawaan ayaanu bilaabaynaa, waana mashruuc innagu cusub. Waanuna ku guuleysan doona haddii Ilaahay yidhaahdo.”
Arrintan uu Wasiirka Beeraha Somaliland Aadan Axmed Cilmi Dhoola-yare ka dhawaajiyey maanta ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee Somaliland laga beero biriis oo ka mid ah cuntada quutal-daruuriga ah ee ay dadyowga adduunku isticmaalaan.
Source: wasaaradda beeraha
Khadar Abdi Elmi
wasaaraddabeeraha.webs.com
hargiesa somaliland
khadarowen@hotmail.com
khadarowen@yahoo.com
Tell:002522-4410814