| Khadarowen | Join Site |
Wasiirka Beeraha somalilnad oo markii u horaysay shaaca ka qaaday in laga beeraayo dalka bariis Hargeysa (Wasaaraddabeerahanews):-Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Aadan Axmed Cilmi [Dhoolayare] ayaa shaaca ka qaaday inay ku hawlan yihiin qorshe cusub oo ay dalkan Somaliland kaga beerayaan Biriis aan u baahnayn biyo badan oo dalal badan oo Qaarada Africa ku yaala lagu soo tijaabiyey, isla markaana waxa uu asteeyey maalinta cuntada Somaliland oo uu ku tilmaamay 10 December sanadkasta. Wasiirku waxa uu sidaa ku shee... Mar uu maanta u waramayey Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews oo ka xogwareysatay iyo arrimo kale. Wasiirka Aadan Axmed Cilmi [Dhoolayare oo ka hadlayey maalinta ay Somaliland u asteysay inay u aqoonsato maalinta cuntada dalka waxa uu yidhi “16 October waxa maalinkasta dunida looga dabaal-dega maalinta cuntada adduuna, waxa maanta sharaf noo ah inaan ku dhawaaqo maalinta cuntada Somaliland, oo aanu In-shaa Allaahu ka dhigi doono 10 December Sanadkasta, si loo qiimeeyo sanadkan wixii inoo qabsoomay ee inoo soo go’ay” “Maalinta 16-October ee Maalinta cuntada Aduunkana ay Goboladu tar-tan galaayaan sidii ay u soo saari lahaayeen cuntooyin ku filan” ayuu yidhi Wasiirka Wareysigiisa oo koobnaa. Wasiirku waxa uu ku dooday in intii ay qiimaynta wadeen inay sanadkan ku guuleysatay maalinta cuntada Somaliland degmada Gatiitalay ee Gobolka oodweyne oo aanu u qaban doono Xafladii. “Waayo waa meeshi Ugu horeysay ee cunto wada wadani ah na tustay ee noo sameysay, oo ay ka marmeen cuntadii dibada uga imanaysay”. Md. Aadan Axmed Cilmi waxa uu shaaca ka qaaday inay dalka dhawaan ka beri doonaan Biriis tijaabo ah, oo uu ku tilmaamay in ka dibada inooga imanaya lagaga maarmi doono, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Maanta waxaanu idiin shee...naa in aanu hayno mashruuc kale oo tijaabo ah, oo Bariisa oo aan u baahnayn Biyo badan oo uu ku baxo Nerica Rice, waa biriis wanaagsan oo Africa lagu tijaabiyey dalalka Sera-lion, Liberia, Ghana, Yuganda, Ethiopia, oo inagana [Somaliland] imika ina soo gaadhay” Wasiirka Beeruhu waxa carabka ku adkeeyey Gobolada ay u qorsheeyeen inay Beerista biriiska ka bilaabi doonaan, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi Hargaysa Biriiska waxaa beeristiisa waxaanu ku tijaabin doono Gobolada Togdheer, Saaxil, Maroodi-jeex Iyo Awdal, degmada Gatiitalayna ee Gobolka Oodweynana ka mid ayey noqonaysaa. Waana bariis wanaagsan oo marka uu dalkeena ka baxo waxa uu noqonayaa wadani, taas inshaa Allaahu dhawaan ayaanu bilaabaynaa, waana mashruuc innagu cusub. Waanuna ku guuleysan doona haddii Ilaahay yidhaahdo.” Arrintan uu Wasiirka Beeraha Somaliland Aadan Axmed Cilmi Dhoola-yare ka dhawaajiyey maanta ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee Somaliland laga beero biriis oo ka mid ah cuntada quutal-daruuriga ah ee ay dadyowga adduunku isticmaalaan. Wasiirka Beeraha iyo Agaasimaha guud ee wasaaqrada beeeraha iyo Wafti ay horkacayaan ayaa Ka fuliyay mashaariic Degmada Saylac Hargaysa (wasaaraddabeeragnews ;)Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Somaliland Mr.Aadaen Axmed Cilmi iyo wafti uu horkacayo oo kala ah Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha C/qaadir Jibriil Tukaale, Hayadaha UNHCR,WFP,CARE,FOA iyo Hayada Wadaniga ah ah ee ADO(Agricalture Development Organization) ayaa dhawr mashruuc ka furay degmada Saylac maalintii Salaasadii, 29 Jan. 2007. Mashaariicdan oo loogu talo galay dadkii dib looga soo celiyay Qoxootiyada, Waxaa maalgelisay Hayada UNHCR waxaana fulisay ADO, waxa kale oo ay iska kaashadeen WFP, Mashaariicdani waxay ka koobnaayeen, Ilaalinta Deegaanka, Biyo soo saar, Samaynta Kiinaalada Waraabka beeraha,Kordhinta wax soo saarka dadka iyo samaynta gudiyada Bulshada. Waa Siddee Xaalada Wasaarada Beeraha Afartii Sanadood Ee la Soo Dhaafay? Hargaysa (wasaaraddabeerahanews )Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi(Dhoolaye), oo xilka Wasiirnimo hayay muddo Afar sanadood iyo dheeraad ah,ayaa muddadii uu xilka hayay wuxuu muujiyay dedaal horleh oo uu wasaaradaasi oo ka mid ahayd kuwa ugu liita uu kor ugu soo qaaday heerka adeegeeda, oo waxyaabaha hoos u dhigay ay ka mid ahayd miisaaniyad yarida hadhaysay oo wasaarada ka garbo duubtay inay ka libkeento waajibaadeeda shaqo ee baaxada badan ee horyaala. Wasiirku wuxuu bilaabay qorshe iyo jawi uu ku kasbanayo Haayadaha gacan-saarka shaqo la leh Wasaarada Beeraha, waxaanu haayadaha culays ku saaray inay tababaro xirfadeed oo kala duwan ay u fidiyaan beeralayda dalka, si loo tayeeyo caafimaadka dalagyada Beeraha ee wadaniga ah. Wasiirkani wuxuu kuwii ka horreeyay kaga duwan yahay wuxuu juhdi iyo dedaal badan geliyay in beeralayda lixda gobol ee dalka la siiyo tababaro aad u badan, oo lagu dhisayo aqoonta xirfadeed ee beeralayda, tusaale ahaan hore uma aan aqoon sida ugu haboon ee loo baahan yahay in wax loo beerom haddase waxaan qaatay tababaro badan oo waxaan Aniga iyo carruurtayduba xirfad u yeelanay wax beerista,?Sidaas waxa yidhi Nuur Cismaan, oo ka mid ah beeralayda dalka, oo dhawaan mar uu tababar u yimid Hargeysa iiga waramay muhiimada uu tababaradu u leeyihiin. Wasiirkayga ninkii Waxqabadkiisa doonayaa ha booqdo xarunta dhismaha Wasaarada beeraha, sanado ka hor waxay ahayd meel dhisme gaboobay oo aan ka turjumayn muuqaal dawladeed, haddana waxaanu nahay mid ka mid ah wasaaradaha ugu dhismaha iyo xafiisyada bilicda badan dalka. Waa tallaabo horu-socod leh oo aanu ku ammaanay Aadan Axmed Cilmi,?sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha wasaarada Beeraha oo aan khamiistii kula kulmay Mukhaayada bunka laga cabo ee ku taalla Wasaarada horteeda kaasi oo dalbaday inaan magaciisa la shaacin. Wasiirka beerahu waxa kale oo uu mudadii uu joogay xafiiska uu dhiiri geliyay dhiqista shinida, oo uu tababaro uga soo qaaday Haayadaha Wasaarada la shaqeeya, kuwaasi oo dad beeralay ah siiyay tababaro la xidhiidha dhiqista shinida. Muddo dhawr sanadood ah ka hor ma aan aqoon sida loo dhaqdo shinida ee waxsoosaarka malabka loola soo baxo, hase ahaatee Wasiirkayaga oo aad u daneeya beeraha ayaa garab istaagay shakhsiyaad isku dayay inay dhaqdaan shinida waxaanu tababaro badan uga soo qaaday Haayada FAO, imika waxaan masaariifsanaa oo nolol maalmeedkayaga kala soo baxnaa malabka,?Ayuu yidhi Caydaruus Cismaan, oo ka mid ah dadka ka faa?iidaystay mashruucan ee dhaqaaluhu ka soo galo qoyskooda. Xukuumada Somaliland waxa hor yaala inay taageerto Wasaarada Beeraha Somaliland oo ay u taallo hawlo baaxad weyn leh oo ah inay wasaaradu ka shaqayso dhiiri gelinta beeralayda, si kor loogu qaado wax-soosaarka beeraha loogana midho dhaliyo riyada ah in Somaliland ay mustaqbalka cunto ahaan ay isku filaato oo ay ka kaaftoonto raashinka dibadeed ee ay ku tiirsan tahay Waxa kale oo qabyooyinka wasaarada Beeraha hor yaala ka mid ah in la sameeyo biyo xidheeno waaweyn oo lagu joojinayo qul-qulka biyaha roobka, oo haddii la hirgeliyo fursad u siin lahayd beeralleyda inay laba jibaaraan waxsoosaarkooda. Sida loo abuuri lahaa biyo xidheenadu waxa dad badani aaminsan yihiin inay ku xidhan tahay istaraatajiyad qaran oo ka baaxad weyn Wasaarada Beeraha, oo ka mid ah wasaaradaha ugu miisaaniyada yar Haayadaha dawlada haddana laga sugayo waajibaad cul-culus oo saamayn ku leh nolosha iyo cunada mujtamaca reer Somaliland, hase ahaatee waxa Wasaarada looga fadhiyaa inay isku dubo rido, warbixin dheer oo ku saabsan baahida loo qabo biyo xidheenada, inta meelood uu baahan in la hirgeliyo, iyo odoraska miisaaniyadeed ee ku bixi kara biyo xidheeno laga sameeyo gobolada Somaliland. Xukuumada Somaliland-na waxa u yaala inay kor u qaado miisaaniyad saneedka wasaarada Beeraha Somaliland oo aan dhaafi karin guno iyo mushaharka shaqaalaha oo qudha, oo loogu darro kharashaad ay wasaaradu ku fuliso mashaariic yar yar oo Beerallayda lagu bidhi-taarayo. Wasiirka Beeraha waxa kale oo uu xidhiidh adag la leeyahay Jaaamacada Cammuud, oo uu taageero maskaxeed iyo mid farsamo uu la garab istaagay waxaanu dhiiri geliyay 60 arday oo ka baxay kulliyad beeraha ee jaamacadaasi, waxaanu ardaydaasi ku sifeeyay midho u soo baxay wasaaradiisa oo ay kaashan doonaan. Waxa ra?yul caamka bulshada Somaliland ay u qabaan in Wasiirka Beeraha Somaliland oo ah nin dhalinyaro ahi uu yahay mid ka mid ah Wasiirada indhaha ummaddu qabanayaan ee shaqaynaya isla markaana ah mid ka mid Wasiirada qurbaha ka yimid ee tusaalaha fiican noqon kara. W/Beeraha oo Xadhiga ka jaray Mashaariic ka Socotay D/Habaas, Aroorseed iyo Daraya-Dheere oo ka Tirsan D/Saylac Wasiirka W/beeraha ee S/land Aadan Axmed Cili oo xadhiga ka jaraya Mashruuc ka mid ah mashaariicda laga hirgaliyey Degmada Saylac. Hargaysa(wasaaraddabeerahanews), 29 Jan. Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Somaliland Mr. Aadaen Axmed Cilmi iyo wafti uu horkacayo oo kala ah Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha C/qaadir Jibriil Tukaale, Hayadaha UNHCR, WFP, CARE, FOA iyo Hayada Wadaniga ah ah ee ADO (Agricalture Development Organization). Mashaariicdan oo loogu talo galay dadkii dib looga soo celiyay Qoxootiyada, Waxaa maalgelisay Hayada UNHCR, waxaana fulisay ADO, waxa kale oo ay iska kaashadeen WFP, Mashaariicdani waxay ka koobnaayeen, Ilaalinta Deegaanka, Biyo soo saar, Samaynta Kiinaalada Waraabka beeraha, Kordhinta wax soo saarka dadka iyo samaynta gudiyada Bulshada. Hayada ADO madaxa u qaabilsan mashruucan Siciid Warsame ayaa ka warbixiyay sida Ururukoodu u Qabtay hawshan, wuxuuna sheegay in ay ka fuliyeen deegaanka Habaas 1000 mitir oo kanaal ah, Habaas waxa degen 480 qoys oo beeralay ah, Mashuuraca ayay bilaabeen ADO 2005 ilaa 2006, meesha waxaan ugu nimid ayauu yidhi madaxa mashaaruucu 25 beerood, maanata waxaa jira 150 beerood,Kiinaalku wuxuu gaadhi karaa 3000 mitir ayuu yidhi Mr Siciid. Deeganadaas waxa kale oo loo qaybiyay Mashiinada beeraha, waxa kale oo ADO tababr sii say Beeralayda, tababarkaas oo ku saabsan habka wax beerista iyo wacyi gelinta bulshada ee dhanka wax soo saarka beeraha. Xubin ka mid ah deegaanka Habaas ee loo sameeyay Mashruuca ayaa aad uga mahad celiyay sida hayada ADO waxqabadka ugu samaysay, waxa kale oo u mahadnaqaya UNHCR iyo WFP, wuxuu intaas ku daray in deegaankan dadkii ku soo badanayaan markii ay maqleen in biyo laga helay iyo in la bilaabay dhulbeereed biyo leh, waxaanan idinka codsanaynaa in aad noo sii balaadhisaan mashruucan, waxa laga kala yimid ilaa imika sida uu sheegay Xubintaasi deegaanada Cali-Cade,Casaame,Dhegagoo iyo Ayshaca,Matoorada waan ka faaiidaysanay waxaas oo dhana waxaa ku helay ayuu yidhi Nabadgelyada. Dhanka kale waxaa Mashriicdan laga qabtay Daraya-dheere oo deegaankaas isaga laga fuliyay Kanaal dhererkiisu yahay 4000 mitir, waxaana dhamaan mashaariicdaas xadhiga ka jaray Wasiirka Beeraha oo ay weheliyaan Agaasimaha Wasaarada, Gudoomiyaha degmada Saylac iyo hayadaha UNHCR, WFO, CARE iyo FAO wuxuuna wasiirku uga mahadceshay Hayadaha deeqda bixiyay iyo ADO dhamaanba sida fiican ee ay u qabteen mashraariicdan, dadweynihii deegaanadaas ahaana wuxuu ku dardaaray in ay ilaashadaan isla mar ahaantaana ka faaiidaystaan waxqabadka loo sameeyay. Mid ka mid ah dadka beeraha loo sameeyay ee deegaanka Daraya-dheere ayaa u sheegay Wasiirka iyo Hayadaha in deegaankoodu sanadka 2010ka ay bixin doonaan deeq, taas oo ay u saamxayday waxqabadka loo sameeyay. Xasan Nuur Maxamuud oo ka socda Hayada CARE oo aan kula kulanay goobtaas ayaa isna noo sheegay in haydoodu ka qabatay deegaanadan Dugsiyo ay ka samaysay Dugsi sare oo ah Xariirad, C/qaadir oo ay dib u habanyn ku samaysay aqalada Macalimiinta, 17 dugsi oo ku yaal saylac iyo Lughaya oo ay tabartay Gudiyadooda oo gaadhaya 80 iyo 64 macalin. Waxayna u qaybisay dhamaan dugsiyadaas qalabyada macalimiintu wax ku barto ardayda iyo qalabka lagu ciyaaro, Xasan Nuur wuxuu intaas ku daray in ay wax ka qabteen dhanka Caafimaadka, oo ay Daawooyin u qaybiyeen dhamaan rugaha Caafimaadka ee Saylac iyo Lughaya Waxaan dhisnay ayuu yidhi shan rug Caafimaad oo ku kala yaal, Habaas, Asha cada,Ceelgaal,Toqoshi iyo Karuure.Qalab shaybaadh oo aan siinay MCHyada Xariirad, MCH C/qaadir, MCH lughaya iyo MCHka Saylac. Qaar ka middadweynaha jiidaas degan oo cayaar ugu soo banaanbaxay furitaanka mashaarida ka socotay Daraya- Dheere Mashaariicda Laga hirgaliyey Dixda Habaas Mid ka mid ah beeraha Habaas Dixda Habaas iyo dur-durka biyaha oo socda. Wasiirka beeraha iyo madaxda kale ee la socota oo dhulmaraya Kanaalka biyaha ee xadhiga laga gooyey. Qaar ka mid ah dadka degan Habaas oo dulmaraya kanaalka biyaha ee laga dhisay Habaas Source: wasaaraddabeeraha.webs.com Khadar Abdi Elmi hargiesa somaliland khadarowen@hotmail.com khadarowen@yahoo.com Tell:002522-4410814 



